Calendar

Dagaal u dhexeeya Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo is kaashanaya iyo ciidamadii maamulkii Maxkamadaha Sh.Dhexe ayaa goordhaweyd ka qarxay deegaanka Mahadaay.

mahadaayBartamaha(Muqdisho):-Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada maamulkii hore ee laga eryaday Gobolkaasi Sh/Dhexe iyo xoogaga Alshabaab iyo Xizbul islaam oo iskaashana kuwaasi oo uu dagaal ka dhexbilowday saaka aroortii hore.

Maqalka Rasaasta iyo Madaafiicda ay labada dhinac is werdaarsanayaan ayaa laga maqlayaa gudaha iyo daafaha deegaanka mahadaay oo la sheegayo in qeyba ka mida ah uu dagaalku sameeyay iyadoo xaaladu ay tahay mid kacsan.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii ay deegaano ay horay u qabsadeen kooxda Xizbul islaam saaka ay weeraro ku soo qaadeen ciidamada maamulkii hore ee laga saaray deegaanadaasi Ee ka tirsanaa maxkamadihii islaamiga dowlada ku biiray.

Dagaalkan ayaa ilaa haatan ka socda meel duleedka ka ah deegaanka mahadaay iyadoo rasaasta wiiftada ah ay soo gaarayso gudaha Mahadaay halkaasi oo uu ka socanayo barakicii ugu badnaa.

Xaalada gobolkaasi ayaa xiisad colaadeed ay hareysay iyadoo la sheegayo in magaalada Jowhar goob aan ka dheeren ay soo gaareen ciidamada Maxkamadaha dowlada raacsan kuwaasi oo doonaya in ay weeraro ku qaadaan ciidamada Alshabaab Ee ka arimya Jowhar.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: