Calendar

War Deg Deg ah: Fasuul Abdalla oo ahaa Wakiilka Al-Qaacida oo la sheegay in lagu dilay Muqdisho.

Fasuul-Abdalla

Warar uu soo daabacay wargeyska Daily Nation ayaa sheegaya in ciidanka dowlada somaliya ay  dhawaan toogteen Fasuul Cabdalla oo la aaminsan yahay inuu yahay shaqsi ka danbeeyey qaraxyadii safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzaniya.

Arbacadii la soo dhaafay  oo aheyd 8-dii bishan  ayaa toogtay Ninkan lagu sheegay hada inuu ahaa Fasuul Cabdala iyo laba nin oo kale,kuwaasi oo la socday gaari marayey isgoyska Ex-control Afgooye,waxaana halkaasi lagu soo bandhigay sawirada meydka ragaasi,marka laga reebo mid baxsaday.

Dowlada Mareykanka ayaa aaminsan inuu Fasuul Cabdala uu yahay Wakiilka ururweynaha Al-Qaacida uga wakiilka ah Somaliya,kaasi oo maamulayey dhamaan howlaha Al-Qaacida ee Gobolka Geeska africa gaar ahaan kuwa Somaliya hada ka socda.

Madaxda Ciidamada iyo Xukuumada wali ma cadeyn inuu ninkaasi yahay Fasuul Cabdala,laakiin waxay horey warbaahinta ugu sheegeen inay wadaan baaritaano la xirira  dadka ay ahaayeen raga ay ku dileen magaallada Muqdisho dhawaan.waxaana wararkan haddii ay xaqiiqo noqdaan meesha ka saarayaan baaritaankii ay ku maqnaayeen madaxda Dowlada Somaliya.

Sida aad uga jeedaan Sawiradda kore waxaa aad isugu dhaw labada sawir inay hal qof wada yihiin,inkastoo la qaaday xiliyo kala duwan.  Midka bidix jira waxaa uu ahaa sawir nooca teesaraha ah kaasi oo loo qeybiyey laamaha amaanka iyo warbaahinta aduunka si ay ula socdaan qofka uu yahay Fasuul Abdalla,halka midkan midka Midigta xiga uu yahay mid laga qaaday dhimashadiisa kadib ,waase haddii uu yahay Fasuul Cabdala oo u dhashay Jaziiradaha Komoros.

Sayid Ali Mohamed “Caseyr Kabootooy”

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: