Calendar

Madaxweynaha Somaliya oo tujiyey salaada Janaasada ee Wasiirkii Arimaha Gudaha Somaliya.

sharif-sheikh-ahmed-with-au

Madaxweynaha Somaliya ee xiligan Shiikh Sharif Shiikh Axmed  ayaa tujiyey salaada Janaasada ee meydka Wasiirkii Arimaha Gudaha Somaliya ee xalay ku geeriyoday magaallada muqdisho,kadib qarax loogu geystay gurigiisa,waxaana  salaadaasi aheyd mid lagu sameeyey masjidka Shuhadaa ee ku dhexyala Madaxtooyada Muqdisho.

Shiikh Shariif ayaa salaada kadib waxa uu halkasi ka jeediyey khudbad uu uga hadlayey qiimaha uu Qaranka Somaliyeed u lahaa Wasiirka la dilay ee Abdishakuur Xasan Farax iyo howlaha uu dowlada u qabtay inta uu xilka qaranka hayey,waxaana uu dhinaca kale sheegay inuu ahaa ninkaasi mid afgaaban isla markaana ugu dabeecad wacnaa wasiirada Xukuumadda Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif waxa uu cambaareyn dusha uga tuuray kooxda Al-Shabaab  oo ku tilmaamay inay yihiin kuwa indhaha ka tuuraya iftiinta dowladnimada Somaliya,waxaana uu sheegay inaysan wax cusub aheyn inay dilaan dadka hormuudka u ah isbadelka Somaliya.waxaana  uu intaasi ku daray inuu alle uga baryayo Wasiirka inuu Janada ka waraabiyo,balse ay sii xasuusan doonan waxqabadkii Wasiirka.

Waxaa kaloo  kasoo qeybgalay Aaskaasi qaran Golaha Xukuumada Somaliya oo uu horkacayo Raíisul Wasaare Mohamed Abdilahi Farmaajo iyo qaarka mid ah Madaxda Ahlusuna Waljameeca,kuwaasi oo si isku mid ah uga tacsiyeeyey  geerida Wasiirka isla markaana ugu duceeyey inuu janadii  alle ugu bishaareeyo.

Aaska iyo salaada Janaasada Wasiirka ayaa timid kadib markii shalay gelinkii danbe ay qarax ku dishay gabar la sheegay inu adeer u ahaa Wasiirka,iyaddoo dhaawaca kasoo gaaray kadib uu xalay fiidkii ugu geeriyooday magallada Muqdisho,waxaana dilkaasi sheegtay Kooxda Al-Shabaab  oo beeniyey inay gabar  fulisay qaraxasi,balse sheegay inay sariirta wasiirka ugu xireen qalab sameeya qaraxa dilka xoogan geysta.

Sayid Caseyr Kabootooy.
[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: