Calendar

War Deg-Deg ah:Dagaal Xoogan oo ka qarxay Magaalada Kismaayo iyo Madaafiuic ku socota Xaafadaha Magaaladaasi.

breaking-newsBartamaha(Kismaayo):-Dagaal Xoogan oo u dhexeeyo Xarakada Alshabaab iyo Ciidamada Xizbul Islaam ayaa saaka ka qarxay Magaalada Kismaayo halkaasi oo madaafiic shacabka goobaha ay daganyihii lagu garaacayo.

Warar goordhaweyd naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saaka Magaalada uu ka bilowday Dagaal xoogan poo u dhexeeya Ciidamada Alshabaab iyo kuwa Xizbul Islaam.

Dagaalka ayaa lagusoo waramayaa in uu ka bilowday Xaafada Calnley Magaalada Kismaayo balse uu ku fiday Xaafado kale oo Magaalada ka mida.

Madaafiic hoobiyaha u badan ayaa la sheegayaa in ay ku dhacayaan Xaafado ay weli rayidku ku harsanyihiin Bartamaha Xaafadaha Kismaayo taasi oo qasaara shacabka ay ka soo gaari karto.

Madaafiicda iyo rasaasta ayaa laga maqlayaa guud ahaa Magaaladaasi iyadoo Ciidamada Alshabaab iyo kuwa Xizbul Islaam si cad ay bulshada dushooda maanta ugu dagaalamayaan.

 

Wixii Warar ah ee dagaalkaasi ku soo kordha kala jaanqaad www.Bartamaha.Com

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: