Calendar

WAR DEG DEG: Mahiga oo la badalay

 

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-Moon ayaa badalay Ergeygii u qaabilsanaa Soomaaliya Augistina Mahiga iyadoona loo soo magacaabay siyaasi u dhashey dalka Ingiriis-ka.

Nicholas Kay ayaa badali doono ergaygii hore iyagoona xafiiska ku kala wareegi doono 3-ka bisha Juun ee soo socota.

Nicholas Kay oo dhashey 01 June 1958 waxa waxa uu hada ka tirsan yahay waaxda Afrika ee xafiiska arimaha dibadda Ingiriiska isagoona horey usoo ahaa safiirka Britain ee Khartoum.

Waa markii ugu horeysay ee muddo dheer loo magaabo qof kasoo jeeda galbeedka loo magacaabo xafiiska siyaasadda aramada Midoobe ee Soomaaliya.

Warar dheeraad ah oo arinkaan kusaabsan, dib ayaa idin kaga soo gudbin doona, inshalah!

Comments

comments

Category : Featured, Hot Now, Wararka Maanta.
« »

Comment: