Calendar

War-Saxaafadeed: Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya

1 (1)(Muqdisho, Soomaaliya, September, 06, 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka wada tashiga ee maanta Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shariif Shiikh Axmed ayaa khudbad aad u qiimo badan ka jeediyay xarunta shirka wada Tashiga lagu soo gaba gabeenayay ee ku taalla garoonka diyaaradaha Aadan Cade Airport waxa uu Madaxweynuhu ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii uu u dhacay shirka wada tashiga oo uu ku tilmaamay in uu yahay shir taariikhi ah oo shacabka Soomaaliyeed ay xusi doonaan.

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa tilmaamay in caalamka uu si weyn uga qayb qaatay guullaha la gaaray waxa uu u mahad celiyay dhammaan dalalka ka qayb qaatay arrintaasi, isagoo si gaar ah u tilmaamay dowladdaha Soomaaliya saaxiibada la ah waxa uu soo hadal qaaday Madaxweynuhu booqoshooyinkii taariikhiga ahaa ee ay ku yimaadeen Soomaaliya madaxda caalamka, waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, R/wasaaraha dalka Turikga iyo dhammaan wadamadii muujiyay in ay Soomaaliya garab taagah yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay tageeradii ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay sii jireen in ay laba laabaan si ay dowlada ugu guuleesato howlaha shaqo ay loo idmaday.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal muujisay howllo badanna ay qabatay waxyaabihii harayna ay u Baahan yihiin in la hello imkaaniyaadkii lagu qaban lahaa, waxa uu tilmaamay Madaxweynuhu in dowladda ay ahmiyad gaar ah ay siisay arrimaha gargaarka abaaraha, isagoo farta ku fiiqay in sidoo kale guullo la gaaray dhinaca kale ammaanka oo uu sheegay in dowladdo saaxiibo dhow la ah Soomaaliya ay gacan weyn ka geeysteen in la sugo amniga.

Ugu danbeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay waxyaabihii looga hadlay shirka wada tashiga isagoo u rajeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed in ay ku nacfin doonaan qodobada ka soo baxa shirka si loo gaaro mirihiisa.

- Dhamaad –

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: