Calendar

Wasaarada Caafimaadka dowlada KMG Soomaaliya oo deeq dawo ah gudoonsiisay Maamulka Galmudug

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaliya ayaa maanta deeq isugu jirta Dawo iyo qalab caafimaad ku wareejisay maamul goboleedka Galmudug.

Deeqdaan Dawada ah iyo qalabkaani caafimaad ee Wasaarada Caafimaadka ay gudoonsiisay dhigeeda galmudug ayaa waxaa munaasabadii lagu bixinayey Dawada iyo qalabka goob joog ka ahaa ku xigeenka Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya Cismaan Ibraahim libaax iyo wasiirka Caafimaadka Maamul goboleedka Galmudug .Maxamed Xuseen

Cismaan Ibraahim libaax oo ah ku xigeenka Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya oo deeqdaasi qalabka caafimaadka Dawada ah gudoonsiyey wasiirka Galmudug ayaa sheegay in ay Dawadan iyo qalabkaani ay ugu tala galeen in wax loogu qabto dadka dhibataysan ee ku dhaqan Maamul goboleedk Galmudug.

Waxuuna intaasi ku daray Cismaan Ibraahim libaax in ay horey Dawooyin noocaan ah u siiyeen maamul goboleedka Galmudug isla markaana si wanaagsan loo maamulay daawooyinkii hore oo ay dhawaan siiyeen Galmudug.

Sidoo kale Wasiirka Caafimadka maamulka Galmudug Maxamed Xuseen oo ku sugnaa goobta lagu bixinayey deeqda dawada ah ayaa sheegay in wasaarada caafimaadka ee Xukuumad Soomaaliya horey ugu deeqday shacabka ku dhaqan deegnada Galmudud hadana ay wasaarad mar kale la siiyay qalab qaliin oo aad u tayo wanaagsan.

Si kastaba ma ahan markii ugu horeysay ee Wasaarada caafimaadka Dowlada KMG ah ugu deeqdo dawooyin m dhigeeda maamul goboleedka Galmudug,iyadoona ay tani tahay markii labaad sadax bil gudahood ah.

www.Bartamaha.comk

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: