Calendar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan oo maanta kormeeray xeryaha barakacayaasha Muqdisho lana kulmay R.wasaaraha XFKMG ah

23Muqdisho, (www.Bartamaha.com):- Talaado, August 23, 201—–Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Iiraan Dr. Ali Akbar Salehi iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta garoonka diyaaraddaha ee magaalada Muqdisho halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Wasiirka ayaa markii uu ka soo degay garoonka waxaa loo gudbiyay xeryaha barakacayaasha isagoo soo kormeeray indhihiisana ku arkay baaxada abaarta iyo macluusha ka jirta dalka, gaar ahaana dadka ku soo barakacay caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalkal KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo ayaa ugu dambeyntiina qaabilay Wasiirka Dr. Ali Akbar Salehi waxayna labada mas’uul wada qaateen kulan ay albaabadu u xirnaayeen oo soconayay muddo saacado ah.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa si wadajir ah warabaahinta ugula hadlay gudaha garoonka Muqdisho iyagoo sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku aadan abaaraha, macluusha iyo soo celinta nabadii iyo kala dambeyntii dalka kuwaasoo ugu dambeytiina si weyn la iskula afgartay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa xusay in dalka Soomaaliya ay dowladdiisu ugu talo gashay 25 Milyan oo Dollar oo loogu talogalay in lagula tacaalo abaaraha “Abaarta Soomaaliya baaxadeeda aad ayay u sareysaa, dowladda iyo shacabka Iiraana waxay ugu yabooheen 25 Milyan oo Dollar, waxaana sidoo kale ka taageereynaa walaalaha Soomaaliyeed dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo soo celinta nabaddii iyo kala dambeyntii” ayuu yiri wasiirka oo tilmaamay in sidoo kale ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha sidii tababaro ay u siin laheyd dowladda Iiraan ciidamada ammaanka gaar ahaana kuwa Booliska iyo Taraafikada.

Dhinaca kale, wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Ali Akbar Salehi ayaa guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha shahaado sharafeed Persian ah isagoo uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: