Calendar

Wasirka Gashaandhiga Dowladad FKMG “ Ciidamo Hor leh oo Ka imaanyo Jabuuti, Gini iyo Siralyon ayaa kusoo wajahan Mugadisho”

fiqiMugadisho/Bartamaha:Wasaardda Difaaca Xukuumada FKMG Soomaaliya ayaa balan qaaady in Todobaadyada soo socda Dalka Soomaaliya la keeni doono Ciidamo hor leh oo ka imaan doono Dalalka kala ah Siiralyoon, Gini iyo Dalka Jabuuti.

C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo ah  Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ahna wasiirka gaashaandhiga xukuumada FKMG Soomaaliya ayaa mar uu lahadaye Warbaahinada Mugadisho u sheegay inay sugayaan in Mugadisho ay soo gaaraan Ciidamo ka socda Dalalka kor ku xusan.

Mr Fiqi ayaa hadalkani ka jeediyay xilli uu kusgnaa Garoonak Diyaaradaha Mugadisho waxuuna sheegay in go’aankaani Ee Dowladda iyo Beesha Caalamka ku gaareen Dalka Itoobiya Ee Caasiamdda Adis-Ababa waa sida uu hadalka u dhiagay Wasiirka gaashaandhiga mar uu kulan kula qaatay Ra’isuwasaaraha Dalka Ethiopia Ee Meles Zanawi.

“Wey nooo ogoladen inaa Ciidamo hor leh usoo diraan Soomaaliya, Dalaka Jabuuti, Siiralyoom iyo Gini, waxaa sugaynaa nay qeyb ka noqdaan Ciidamada Nabad ilaalinta Dalka u joogo Ee AMISOM” ayaa laga soo xigtay  Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ahna wasiirka gaashaandhiga xukuumada F KMG Soomaaliya Ee C/Xakiin Fiqi.

 Ugu danbeyantii Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga Ee Dowladad FKMG Soomaaliaya aya imaanaya xilli Ciidamada Dowldda iyo AMISOM Ee dagaalo xoogan ku hayaan Mucaaraadka Shabaab oo haatan dagaalo xoogan madaxa iskuala jiraan Gobolada Dalka Soomaliya iyo Magaalaad Mugadisho.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: