Calendar

Qasaarihii kao dhashay Dagaaladii Ka dhacay Maanta Degmada Dhoobley oo sii kordhaya iyo Xaaladda oo Degan

BatamahaDhoobley/Bartamaha:Wararka ka imaanaya Degmada Dhoobey Ee gobolka Jubada hoose ayaa tibaaxaya in haatan xaaladda Magaalada ay dagantahay kadib dagaalo xoogan oo ka dhacay xilliyadii lasoo dhaafay.

Kooxda Shabaab ayaa la wareegtay Gabi ahaan Degmada Dhoobleey kadib markii ay dagala xoogan la galayn Ciidamada Dowaldda FKMG Soomaaliya.

Dagaaladaani ayaa isku badalaye wajiyo baan Maalimihii laso dhaafay iyadoo ugu danabyntii Maanta gacanta ku dhigeen Kooxda Alshabaab oo markii hore halkaasi ka talin jireen laakin mar laga fara maroogsaday.

Warar hoose Ee heshay Baratamaha ayaa xaqiijiyaya I Dagaalaad ay ku quur baxeyn 10 qof oo u badan dhinacyada dagalamaya halak wararka ay intaasi ka darayaan in Shan ruux oo rayidka ah ay sidoo kale ku nafwaayeen Rasaastii ay si weedaarsaadeen dhinacyada dagaalamaya.

Shacab ku sugan Dhoobleey ayaa ka barakacay Xaafadhooda maadaama ay noqtay Xarun dagaal o mar walba laga filan karo iska hor imaad dhex mara Kooxaha ku dagaalamaya Degmada Dhoobley Ee gobolka Jubada hoose.

Wax war ah lagama helin Saraakiisha Dowladda FKMG dhinacyada u qaabilsan Dagaalada Jubooyinka halka Shabaab ay sheegeen in mar danbe ay gacanta ka bixi doono Degmada Dhoobley Ee Gobolka Jubada Hoose, halka Saraakiisha Dowaldda ay wacad ku mareen in Dalka ay ka saari doonaan Meleeashiyaadka Shabaab.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: