read more »">
Calendar

William Hague oo jooga Mogadishu, fureyna safaradda UK [SAWIRO]

Xog-hayaha arimaha dibadda Britain William Hague ayaa jooga Mogadishu uu kulamo kula leehyahay madaxda sarsare ee dowlada federalka Soomaaliya.

Safarka Hague oo aan horey loo shaacin, ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde kusoo dhaaweyay wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan.

William Hague waxa uu la kulmey ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Farax Shirdoon “Saacid” iyo xubno ka tirsan golahiisa wasaarada oo ka wada hadlayaan xaaladihii ugu danbeyay ee dalka Soomaaliya iyo shirka dhawaan ka dhici doono London oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horeyya ee Xog-hayaha arimaha dibadda Britian William Hague tan iyo markii dowladan cusub la dhisay, waxana uu horey u yimid Mogadishu xilligii dowladii Shariif Sh. Axmed.

Faahfaahin dhawaan naga filo, Inshalah

SAWIRO

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: