Calendar

Xaalada Degmada Wadajir oo Xasiloon iyo dagaal qasaara dhaliyay oo maanta ka dhacay.

muqdisho,newBartamaha(Muqdisho):-Xaalada Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho ayaa dagan ka dib dagaal maanta dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Soomaaliya.

Dagaal maanta ka dhacay Xaafada Nasteexo Ee Degmada Wadajir ayaa sabab ka dhigay dhimashada 1-ruux iyo dhaawaca 3-kale oo shacab iyo ciidan isugu jira ka dib markii dagaal uu ka dhacay Degmadaasi.

Dagaalka maanta ayaa waxaa la sheegay in nuu ka bilowday qaad uu askari Ciidamada Dowlada ka tirsan ka qatay haweenay ku sugnayd Xaafada Nasteexo taasi oo keensatay Ciidamo kale oo Dowlada ka tirsan.

Dagaalka maanta dhacay ayaa waxa uu socday ugu yaraan 3-saacadood iyadoo guud ahaan la xeray ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: