Calendar

Xildhiban Ing.Maxmed Xuseen Cadow oo ku geeriyooday dagaalkii Galabta ka dhacay Degmada Kaaraan Ee Muqdisho.

xildhibaankBartamaha(Muqdisho):-Xildhibaan Ing.Maxmed Xuseen Cadow ayaa Cawaa Maqribkii hore waxa uu ku geeriyooday dagaal qaraar oo ka dhacay Degmada Kaaraan Ee Muqdisho halkaasi oo galabta ay la wareegeen Kooxda Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Xildhibaaka ayaa la sheegay in uu ku sugnaa goobta dagaalka uu ka socday isaga iyo Madax kale oo deegaan ahaan dagan degmada dagaalka uu galabta ku soo dhawaaday Ee C/Casiis.

Xildhibaan Ing.Cadow ayaa geeridiisa waxaa www.Bartamaha.Com u xaqiijiyay mid ka mida madaxda dowlada Fd Soomaaliya ee xiligaasi aaga ay ku wada jireen kaasi oo tilmaamay qaabka uu u geeriyooday Masuulkaasi

Ing.Maxmed Xuseen Cadow ayaa la xaqiijiyay in uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray iyadoo aan laga qaadin goobta uu ku dhacay ka dib dagaalka oo ku xoogeystay goobtaasi oo ahayd agagaarka Garaasha Gedoole ama Injiga Ee Degmada Karaan.

Geerida ku timid Xildhibaan Ing.Cadow ayaa ku soo aadaysa xilli laba Maalin ka hor uu dagaal ka dhacay Muqdisho ku dhintay Taliyihii Ciidamamada Booliiska iyadoo weerar qarax ahna lagu dilay Wasiirkii Amniga Dowlada Fd soomaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: