Calendar

Ahlu sunnah oo xabsiga dhigtay wakiilkii Idaacada Shabeele Caabud-Waaq.

qaadiriyahBartamaha(Caabud-Waaq):-Ciidamada Ahlu sunnah ayaa Xalay saqdii dhexe Xabsiga u taxcaabay wariye wakiil u ahaa Idaacada Shabeele Muqdisho.

Ciidanka Ahlu sunnah ayaa Xalay abaara 10:00kii Habeenimo waxa ay gurigiisa kala bexeen Wariye C/Kariin Axmed Bulxan oo ay sheegeen in uu warar ka tabiyay maamulka.

Wariyaha ayaa loola dhaqaaqay dhanka Saldhiga Caabud waaq waxaana ehaladiisa loo sheegay in uu wariyaha yahay dembiile sharciga la soo taagayo ka dibna lagu qaadayo dembiga uu galay.

Ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha Ahlu sunnah ka bixiyeen xariga wariyaha oo haatan ah maxbuus aan la oqoon xiliga ay sii daynayaan masuuliyiinta AHlu sunnah.

Dhawaan ayay ahayd markii Kooxda Alshabaab ay xeratay Wariyayaasha kala ah Axmed Cumar Saalixi  iyo Axmed Salaad Cudlle oo marki danbe ay maxkamad saareen amarna ku siiyeen in uu saacado uga baxo Kismaayo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: