Calendar

Lacago kiro ah oo lagu soo rogay dadka Barakacay ee dagan duleedka Muqdisho.

DSC00286Bartamaha(Carbiska):-Dadkii isaga cararay Dagaalada Muqdisho ee dhibaatada ku haysatay banaanka Magaalada ayaa lagu bilaabay in laga qaado lacago kira ah aqalada ay dhisteen.

Dadkii lahaa goofafka banaanaa ee laga dhistay cooashadaha ayaa waxa ay bilaabeen in ay si midaysan lacago culus u dul dhigaan dhismayaasha ay barakacayaasha dhisteen.

Dhismayaasha lacagaha la dul dhigay oo ah kuwa ka samaysay Cooashado ayaa waxa ay dhibaato ku  noqotay dadkii tabarta darnaa ee guryahooda uga soo cararay dagaalada Islaamiyiinta iyo Dowlada.

Dadka leh xeryaha ay daganyihiin Barakacayaasha ayaa waxa ay 2-Mitir ee kasta oo bush uu ka dhisanyahay ku soo rogeen lacag dhan 150.000-Sh,So ah oo u dhiganta 5$.

Dad badan oo waxaa xeryaha dagan maalin walbiba iska dawarsada suuqyada Ceelasha Biyaha illaa Afgooye si ay nolosha u soo helan mana awoodaan in  ay bixiyan lacagtaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: