Calendar

Mahiga yuu u shaqeeyaa???

Mahiga1Sida ka muuqata waraagda XILSAARKA ee mahiga waxaa xoghaya guud u wakiisha in u ka shaqeeyo dalka Somalia, si dalkaa nabad loogu soo daabulo asago u maraaya xaqiijinteeda dib u heshiisiin somalida dhexdeeda , u kala dabqaadka somalida iyo caalaamka intiisa kale ee danahu kala dhexeeyaan Somalia, qaraan u raadinta dowlada somaliya ee ka shirkii jabuuti ka curatay si ay dhinac walba uga xogeysato oo ay u hanato hawlaha ay u xilsaarantahay.

Waxaa saldhig u ah xilsaarka mahiga in si cad oo an nasasho iyo naaqusid la’aan ah u  raadiyo isu-soo dhawaynta dhinacda somalida, ka horaynta  somaliya cid kasta oo  si toos ah ama si dadban u wiiqaysa ka bixitaanka somaliya nabad iyo qaranimo la’aanta. .

Waxaa laga filayey in Mahiga u si daacadu ah((loyal)) somalida,  xoghaya guud iyo guddiga nabadgalyadsa u fuliyo wixii loo xilsaaray.

Waxaa la filayey in u wada tashi joogta ah kala yeesho dowlada somaliya waxyaabaha u qabanayo asagoo isha ku haya xoojinteeda iyo in u qayb ka noqdo in dowladu noqoto mid si buuxda xilkeeda u gudan karta.

In u noqdo Mahiiga mid dhaqaha u dhigo dareenka dadka somaliyeed iyo qaabka ay u rabaan in ay mushkiladooda u xallistaan una dhago nugloodowaxa ay sheegayaan.

In u noqdo mid ka shaqeeya usoo jiidka xagga xarunta(dowlada dhexe) xoogaga kala firirka iyo qaybsanaanta (centrifugal forces ).

In u dhagaysto afkaarta ka imaanaysa dadka somaliyeed ee aadka iskugu taxallujiya xal u helida dhibaatada dalkooda iyo dadkooda.

Nasiib darro waxa dhacayaa waxay muujinayaan:in wakiilka xoghaya guud u adeegayo dano sal iyo baarba ka duwan kuwii lagu aaminay waxaana taa muujinaya waxyaabaha soo socda;

1.      wuxuu asagoo an la tashan dhanka somaliyeed go’aansaday in u qaban qaabiyo shirka dalka dibediisa ah oo ajendadiisa u asago marba si gaar ah u sheego.oo u rorogo(mar labada sharif yaa lagu heshiisiini, mar waa tashi guud, mar waa wax kale)

2.      wuxuu si isku darajo ah (status) ugu casumay(u amray ) in ay yimaadaan dowladii  dhexe(haba taagdarratee)   ee caalamku aqoonsanaa oo xoojinteeda iyo hirgalinteeda ka qaybqaadashada asaga loo xilsaaray iyo dowlooyin goboleedyo(u aqri  beeleedyo) qaarkood ku ekyahay hal tuulo, hal magaalo barkeed iyo kuwo magac kali ah ahaaneed u jira.

 3.      wuxuu iska dhago tiray dhammaan mowqifyada saluugida shirkan ee ka yimid: A:xukuumada; B: shacbiga somalida(arag mudaahiraadyada gobollada badankood oo ay ku jiraan xataa puntland iyo somaliland);

C: ciidamada Amisom oo caddaan u yiri in carqaladayn kasta ee xukuumadan ku timaadaa ay dhabarjabin ku  noqonayso shaqada guulaysanaysa ee la wadaan xukuumadan;

D: boqollaal xildhibaan oo cadeeyey in shirkaa ay diidan yihiin madaama ayna ka dhex arkeen haba yaratee wax dan Somali ah; E: qaylodhaanta diidmo shirka ee ka soo burqanaysa  siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada somaliyeed ee an toos ugu jirin hardan siyaasadeed iyo diasporada oo dhan.

Qaylo dhaantan oo u ugu cod dambeeyey madaxweynaha D’jibuti oo lagu tiriyo qofka sida ugu weyn ugu guntan danta somaliya madaxda dalalka aduunka . F: wuxuu khilaafka ka dhex abuuray xulufadii dagaalka ee dowlada ahlu sunna wal-jamaa’ oo ku kala tagtay shirkan ka qaybgalkiisa.

G:ku mashquulinta xukumada khilaafka shirku waxay wiiqday horumarka dagaalkii dowladu kula jirtay argagixisada iyo inta takulaysa.

F:: isku dayga shirka qabashada xooga ah ee u wado Mahiga iyo tixgalin  la’aanta diidmada xukuumada somaliyeed waxay ficil ahaan ugu yaraan u macnoobayaan in asagu somalida ka yaqaan waxa ay doonayaan isla markaa waxaa looga dan leeyahay damin .  rajada dowlonimo- soo- celin ee xukuumadan ku afuuftay shacbigeeda. 

4.      intan iyo in kale oo ka badan oo somaliyi ogtahay waxay cadaynayaan in Mahiga usan u joogin Nairibi waxa Somali loo sheegay ee u adeegayo shisheeye. Shisheeyaasi wuxuu  u arkay  xukuumadan in ay Somali u jihaysey xag dowlonimo oo ah wax an la doonayn oo khatar galiyey mashruuc socday oo ah in Somali dowlonimo laga quusiyo waxaana badbaadinta mashruucaa xaraynta ahi keentay in Mahiga isu qaawiyo horjoogsiga hawsha xukuumada oo abaabulo shirar lagu kala qaybiyo somalida, lagu dumiyo dowlada laguna taabo galiyo firqooyin cusub oo dadka wali lagu maaweeliyo.

5.   Runtu waxay tahay in mahiga hoggaanka looga hayo meel(meelo) an dano ugu  jiraan sii wadida burburka somaliya xukuumadanuna ay tahay mid diyaar an u ahayn ka qaybqaadashada hawshan burburka waxa badan la iska kaashanayey saas daraadeedna ay tahay (madaama la isarkay) in dhumashoowga laga soo baxo oo si xataa bareer ah loo joojiyo hawsha Formaajo iyo saaxiibadi u hagayaan xaga somaliyi doonayso ee danta u ah.

Horumarka xukuumadani ka gaartey xagga dowlo iyo nabad soo celintu wuxuu dhaliyey cadawga iyo  adeegayaalkiisa ku dhaliyey anfariir waana anfariirkaas waxaa ku jirrabay handler Mahiga in u lumiyo xataa dhaqankii diplomaasiya-da oo u dhaqmo sidii barasaab-yadii  gumaysteyaalka ee dhi jirey maanta soo shiriba berrina berrina soo shira.

 

Gabogabo:

Darsiga halka soo baxay aniga wuxuu ilayahay:

  1. in ay cadaatey in Mahiga usan fulinayn dan somaliyeed ee dano qalaad  u huwinayo magaca UN-ka.
  2. in ujeedadiisu tahay wiiqid xukumadan iyo dib u burburin waxay qabatay iyo rajadii dowlonimo ee dadka somaliyeed dib ugu soo afuufantay (noqotay).
  3. in Mahiga iyo xukumada somaliyeed oo dadkeeda badanki la jiro  ay ka dhex abuurantay aamindarro an sina dib loogu soo kabkabi Karin sidaa daraadeedna ay habboonaan tahay in Mahiga xilka u hayo dib ugu celiyo xoghayaha guud ee UN-ka si loo badbaadiyo shaqada hay’adaas iyo haybada xoghayaha guud somaliyana wax ugu badbaadaan.
  4. in somaliyi meel ay joogtaba u istaagto isbadbaadinteeda oo ka gudubto is-ximinta, qabka xun, isu-bowdyoqaawinta  oo fiiriso sawirkeeda weyn ee baabaa’ guud. Aragto haadaanta ay ka wada hoobanayso oo isu garabsato say danteeda iyo sharafteeda u soo wada ceshan lahayd.

 

           Cabas Cabdi Cabdullahi   

 

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles, Wararka Maanta.
« »

Comment: