Calendar

Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo xalay ku dagaalamay Deegaanka Ceelasha Biyaha.

ceelasha biyahaBartamaha(Ceelasha-Biyaha):-Dagaal muddo socday ayaa xalay fiidnimadii ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha halkaasi oo u dhexeeyay Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Warar lagu kalsoonyahay oo soo gaaray Xafiiska Warqabadka www.Bartamaha.Com Muqdisho ayaa sheegaya in xalay muddo 30-daqiiqa ah ay ku dagaalameen Ceelasha Biyaha Ciidamada Alshabaab iyo kuwa Xizbul Islaam.

Qof goob jooga ah ayaa www.Bartamaha.Com u sheegay in Ciidamada Xizbul Islaam ay joojiyeen gaari ay wateen Kooxda Alshabaab ka dibna ay dileen Askarigii istaajiyay sidaasi oo ay rasaasta ku bilaabatay.

Gariga ay wateen Ciidamada ALshabaab ayaa la xaqiijiyay in lugta rasaas ay kaga dhacday sidaasi oo ay u istaageen ka dibna rasaas difaac ahayd halkaasi ay ka dhacday.

Ciidamada Xizbul Islaam ee dagan Siinka dheer oo ah goobta uu gaarigaasi sii mari lahaa ayaa iyana rasaas halkaasi ka soo bilaabay tasi oo sabab ka dhigtay in dagaalka uu cuslaado.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ganacsiga uu xermay iyadoo in mudda ah ay halkasi rasaas ka dhacaysay iyadoo markii danbe Ciidamada Alshabaab ay heleen gurmad sidaasina goobta ay awood uga baxsadeen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada koox ee dagaalantay iyadoo inta la xaqiijiyay uu 1-Askari oo Xizbul Islaam ah uu dhintay mid Alshabaab ahna dhaawac uu soo gaaray.

Dhawaanhan labada koox dagaal iyo dilal hoose ayaa ka dhexeeyay gudaha iyo daafaha Magaalada Muqdisho taasi oo Saxafada ay ka baqatay in ay baahiyan sababo dhanka ammaankooda ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: