Calendar

Xaalada Gobolka Sanaag oo saaka dagan iyo Puntland oo guula ka gaartay dagaalka.

xingaloolBartamaha(Laas-Qori):-Xaalad daganansha ah ayaa laga dareemayaa deegaankii shalay gabaldhicii lagu dagaalamay ee Gobolka Sanaag.

Ciidamada Puntland ayaa la xaqiijiyay in ay awood uga saareen Xiingalool Ciidamadii uu watay Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Somaliland oo shalay booqasho ku soo gaaray deegaankaasi.

Ciidamada uu watay wasiir ku xigeenka Waxbarashada Somaliland ayaa muddo dagal uu socday ka dib waxa ay isaga bexeen deegankaasi fiidnimadii xalay iyadoo Ciidamada Puntland ay la wareegeen Deegaanka

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maamulka Puntland Maxamed Saciid Nuur oo saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadooda ay joogaan Xiingalool islamarkaana laga saaray Kooxaha sharci darada deegaanka ku yimid .

Masuulkaasi ayaa waxa uu sheegay in aanay u dulqaadan doonin socdaalada Masuuliyiinta Somaliland islamarkaana dagaal looga saarayo goob walba oo ay ka tagaan Sanaag.

Deegaanka Biya Guduud ayaa la sheegayaa in ay gaareen Ciidamadii uu watay Wasiir ku xigeenka Somaliland ka socday kuwaasi oo saara dib uga ruuqaansady deegaankaasi.

Labada Maamul Puntland iyo Somaliland ayaa waxa ay isku hayeen deegaanada Sool iyo Sanaag oo illaa haatan aan xal laga gaarin mararka qaarna uu dagaal ka dhasho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: