Calendar

Ardayda Jowhar Wax ka Barata oo Maanta u Fariistay Imtixaamka Teeramka ama Nisful-caamka loo yaqaano

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in dhamaan ardayda wax ka barata Dugsiyada ku yaala Magaalada iyo magaalooyinka kale ay u fariisteen imtixaanka teeramka ee sanad dugsiyadeedka 2011-2012.

Waxaa saakay la arkayay arday raxan raxo u socoda oo ku wajahan Iskuulada,kuwaasi oo doonayay im ay ka qeyb qaataan ama fariistaan imtixaanka teeramka oo la qaado sanadka kala barkiisa,kaasi oo lagu ogaanayo hadba heerka ay gaarsiisan tahay waxbarashada ardayda,waxa uuna hordhac u yahay imtixaanka kama danbeyska.

Mid ka mid ah ardayda wax ka barata Dugsiyada ku yaala magaalada Jowhar oo qadka Teleefanka aan kula xariiray ayaa iiga sheekeeyay waxyaabaha iminka uiu kaga hortagayo imtixaanka.

Waxa uuna sheegay in dadaal dheer uu soo sameeyay islamarkaana waxa uu soo baranayay la doonayo in maanta uu ku baxsado.

Imtixaamka teeramka ay maanta u fariisanayaan ardayda wax ka barata iskuulada ku yaala magaalada Jowhar iyo magaalooyinka kale waxa uu ku soo aadayaa,xilli magaalada ay gashay jawi cusub oo ciidamada dowlada ay la wareegeen guud ahaan maamulka jowhar iyo deegaanada ku teedsan.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: