Calendar

Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo sheegay in ay dagaal ku qaadi doonaan xoogaga Alshabaab ee Jubooyinka.

axmed madobe

Bartamaha(Kismayo):- Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu xubin ka ah ururka Xizbul Islaam islamarkaasina dagaal Todobaadyadii la soo dhaafay looga saaray Gobbalada Jubbooyinka ayaa waxa uu maanta shaaca ka qaday in ciidamadsii ay mar kale weerar kusoo qaadi doonan Gobbalada Jubbooyinka oo ay haatan ka arimiyaan Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin

Sheekh Axmed Madoobe oo maanta lahadlaayay qaar katirsan warbahinta caalamka Axmed Madoobe,waxa uu sheegay inay ciidamadsii ay ku sugan yihiin Gobbalada Jubbooyinka,maalmaha soo socdana ay weerar kusoo qaadi doonan meelaha ay Xarakada shabbab ay maamulaan ee Gobbalada Jubbooyinka.

Waxaa uu mas;uulkan sheegay in dhorkii habeen ee  ugu dambeeyay ay ciidamadiisa ay weerar  ku qaadeen saldhigyo ay xarakada shabbabul mujaahidiin ay ku leeyihin Deegaanka Dhoobley ee Gobbalka Jubbada Hoose,waxana uu sheegay inaysan Howlgalada ay ciidamadiisu ay wadaan aysan marnaba joojin doonin.

Sikastaba ha ahaatee Ciidamada Axmed Madoobe iyo Kuwa xarakada mujaahiddin Al shabbab ayaa waxa ay bilihii lasoo dhaafay ay dagaalo kulul ay ku dhex marayeen Deegaanada galbeed Ee Gobbalka Jubbada Hoose

 

 

Wararka Xaqiiqda ah kala soco www.Bartamaha.com

Kismayo-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: