Calendar

VIDEO: Baarlamaanka Soomaaliya oo ku kala qaybsan mooshin la sheegay in laga keenay ra’iisulwasaaraha

Baarlamaanka Soomaaliya - BartamahaMuqdisho (BARTAMAHA) Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka socda guux siyaasadeed oo ku dhex jira mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ku aaddan mooshin la sheegay in laga keenay ra’iisulwasaare C/wali Sh. Axmed.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa mar uu la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in guddoonka baarlamaanka ay u gudbiyeen in ka badan 140 mudane mooshin ka dhan ah ra’iisulwasaaraha, isagoo intaas ku daray in ay gudbiyeen eedaha ra’iisulwasaaraha ka dhankaa.

Dhanka kale xildhibaan Cabdi Barre Yuusf Jabriil ayaa isaguna dhankiisa tilmaamay inuusan jirin wax mooshin ah oo ka dhan ah ra’iisulwasaaraha.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa carabka ku dhuftay inaysan u dul qaadan doonin in dadka lagu jahwareeriyo siyaasad khaldan, wuxuuna eedayn ballaaran u soo jeediyay m/weynaha.

Hadalka labadan xildhibaan ayaa u muuqanaya mid ka tarjumaya sida ay xildhibaanadu ugu kala qaybsan yihiin khilaafka siyaasadeed ee dhex yaal m/weynaha iyo ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisulwasaare C/wali ayaa horay u sheegay in xildhibaankii laga maqlaa mooshin uu yahay laaluush qaate, sidoo kalana hareer maray talooyinkii beesha caalamka.

Muranka iyo guuxa ka soo yeeraya baarlamaanka Soomaaliya ayaan illaa hadda la aqoon halka uu ku biyo shuban doono.

___
Xafiiska Wararka Bartamaha Muqdisho

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: