Calendar

Madaxweyne Obama uu si qarsoodi ah warqad ugu diray hoggaamiyaha ruuxiga ee ee jamhuuriyadda islaamigaa ee Iran

Obama - www.Bartamaha.com

Washington, DC (BARTAMAHA) Wargays aad uga faalooda arimaha siyaasadda reer galbeedka oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa maanta daabacay warar ku saabsan in madaxweyne Obama uu si qarsoodi ah warqad ugu diray hoggaamiyaha ruuxiga ee ee jamhuuriyadda islaamigaa ee Iran, taasoo uu kaga hadlayay sida loo hirgalin karo suurta galna ay u noqon karto iskaashi xukuumadaha Washington iyo Tehran ay ka yeeshaan la dagaalanka ururka Daacish.

Falanqeeya arimaha siyaasaddaa ayaa laga soo xigtay in hogaamiyaha ruuxigaa ee dalka Iiraan Ayatullah Cali Khamenei uu xilli aan fogayn warqad ka helay m/weyne Obama.

Sida lagu xusay cadadkii maanta ee wargaygska The Wall Street Journal ayaa lagu faaqiday in Obama uu warqadani diray bishii lasoo dhaafay, isagoo ku xusay in Iran iyo Mareykanka ay wadaagaan khatar kaga soo fool leh ururka Daacish ee ka dagaallama Suuriya iyo Ciraaq.

Kama dambeysta rasmigaa ee la siiyay heshiiskaasi ayaa ah 24-ka bishan November, isbuuca nagu soo aaddan ayaa la filayaa in ay yeelan doona wasiiradda arrimaha dibadda ee Iran iyo Mareykanka, dawladda Iran ayaan illaa hadda wax lug ah ku lahayn duulaanka uu Mareykanka hoggaaminayo ee ka dhanka ah Daacish, balse waxa ay iskeed dagaal ugula jirtaa ururkaasi.

Balse Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku adkeystay in iskaashi kasta oo labada dal dhex mara uu ki xiran yahay sida ay Iran u aqbasho heshiis wax ku ool ah oo laga gaaro barnaamijkeeda nuclear-ka.

Iran ayaan qeyb ka ahayn duulaanka uu Mareykanka hoggaaminayo ee ka dhanka ah Daacish, balse waxa ay iskeed dagaal ugula jirtaa ururkaasi.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Iran ay kala hadleen iskaashi ku aaddan dagaalka, balse ilaa iyo hadda aanu jirin iskaashi u dhexeeya oo dhanka ciidanka ama sirdoonka ah.

__

BARTAMAHA ONLINE

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta, World News.
« »

Comment: