Calendar

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya heshiiska ay xukuumada la saxiixatay shirkada Favori

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ka doodaya heshiis Xukuumada Soomaaliya ay la gashay Shirkada Favori, kaasoo todobaadkii hore la hor keenay.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa loo qeybinaya nuqulada qoraalka heshiiska Favori loogu wareejiyay maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasiirka Warfaafinta Boostada, isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa hortagi doona baarlamaanka, si uu ugu faah faahiyo heshiiskaas iyo sababaha keenay in Shirkada Favori lagu wareejiyo maamulka Garoonka.

Gudoomiyaha Gudiga Warfaafinta, Boostada, isgaarsiinta iyo Gaadiidka Cabdi Cabdulaahi Xaashi ayaa todobaadkii hore ugu baaqay Xukuumada in aanay baarlamaanka horkeeno heshiis ku qoran afka Ingiriiska, isagoo dalbaday in heshiiskan lagu soo qoro afka Soomaaliga.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa dood kulul ka yeelanaya heshiiskan, iyagoo su’aalo weydiinaya Wsaiirka, waxaana marka su’aal weydiinta dhamaato la filayaa in Baarlamaanka cod u qaado heshiiska si loo ansixiyo.

Shirkada Favori oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa dhowaan la wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha, kadib markii Shirkada SKA oo muddo saddex sano maamuleysay garoonka laga wareejiyay howsha.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: