read more »">
Calendar

Kulan looga hadlayay Amniga oo Muqdisho ka dhacay iyo Taliyaha Booliiska oo ka hadlay Qodobbadii kasoo baxay kulanka (SAWIRRO)

Kulan looga hadlayay ammaanka Muqdisho oo ay ka qeyb galeen dhamaan laamaha ammaanka dowladda ayaa xalay ka dhacday Hoyga Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo kulankan looga hadlayay dar dar gelinta ammaanka caasimada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo shir gudoominayay kulanka ayaa hey’adaha ammaanka dowladda, sida wasiirada, taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha ka dalbaday inay adkeeyaan amniga Caasimada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa kulanka looga dhageystay warbixin ku saabsan ammaanka magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in ammaanka uu maalmihii u dambeeyay ahaa mid wanaagsan.

Kulanka oo ay dibad joog ka ahaayeen Warbaahinta ayaa waxaa markii dambe saxaafada la hadlay oo uga warbixiyay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid).

Taliyaha Ciidamada booliska Jen. Saacid ayaa sheegay in kulankan looga hadlay dar dar gelinta ammaanka caasimada, isagoo faah faahin ka bixiyay howl galo qorsheysan oo mudooyinkii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho.

“Waxaa shirka looga hadlayay arrimo quseeya amniga magaalada, si qorsheysan ayaana looga soo shaqeeyay in muddo ahna ciidamada amniga howl gal ayay wadeen, iyagoo shacabka kala kaashanaya sugida amniga”ayuu yiri Jen Saacid.
Jen. Saacid ayaa sheegay in howl galadii u dambeeyay ay ku soo qab qabteen dad fara badan oo ka mid ah Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inay dhamaan u gudbinayaan Maxkamadaha shaqada ku leh.

“Howl galadii ugu dambeeyay oo meelo bartilmaameed ah laga sameeyay dad fara badan ayaa lagu soo qabtay, Ciidamada habeen iyo maalin ayay howl galada sameeyaan”ayuu yiri Jen. Saacid.

Mar la weydiiyay dhibaatooyin ay shacabka ku hayaan rag labisan dareyska ciidamada ayuu sheegay in arrintaas laga soo saaray go’aan, isla markaana dhowaan qeybaha kala duwan ciidamada loo keenayo dareysyo gaar ah.

“Qaabka dareyska ciidamada milateri, boolis iyo asluub intaba dareys dhowaan dalka soo gaari doona ayaa jira oo loo qeybinaya, waa la koontarooli doona qaabka dareyskooda, kaarar aqoonsi oo dharka wehliya oo tilmaamaya qofka ciidanka uu ka tirsan yahay ayaa la siinaya askari walba”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska.

Kulankan xalay looga hadlayay ammaanka Muqdisho ayaa qeyb ka noqonaya kulamo is daba joog ahaa oo hey’adaha ammaanka dowladda yeelanayeen, inkastoo mararka qaar ay magaalada ka dhacaan falal amni daro iyo qaraxyo.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: