Calendar

Ban-Ki Moon Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u weeraray raga Dagaalada ka wada Dalka Soomaaliya.

ban-ki-moonBartmaha(Muqdisho):- Mr.Ban-ki Moon Xoghayaha Guud Ee QM ayaa si weyn waxa uu u canbaareeyay dagaalada ka soo cusboonaaday koonfurta soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in ay ku barakaceen dadkii ugu badnaa.

Xoghayaha Guud Ee QM Ban-Ki Moon ayaa ayaa ku eedeeyay dhibaatada soomaaliya ka jirta qaar ka mida wadamada caalamka gaar ahaan Eritrea isgoo sheegay in loo baahanyahay in la taageero dowlada cusub ee soomaaliya.

Ban-Ki Moon ayaa waxa uu sidoo kale uu sheegay in xiligan ay dhibaata soomaaliya ay ka sii darayso isla markaasina loo baahanyahay in shacabka ay helaan gargaar dag-dag ah isagoo hay’adaha gargaarka QM ugu baaqay in la gargaaro shacabka barkaca ah.

Xoghayaha Guud ayaa waxa uu ku taliyaya in soomaalida ay wadahadlaan isla markaasina loo baahanyahay in wax waliba oo jira wadahadal iyo isfaham lagu dhameeyo waxa uuna si kulul u canbaareeyay dagaalada ka holcaya gobolada Koonfureed ee soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay Ban-Ki Moon ayaa imaanaya xilli xaalad xagga bini aadanimada ah ay ka taagantahay dalka soomaaliya taasi oo soo wajahday shacabka ka barakacay guryihii ay muqdisho ka daganaayeen kuwaasi duleedyada caasimada ku dacdaraysa.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: