Calendar

Ciidamada Amisom oo maanta qarax Miino lalagula beegsaday Wadada Kuliyadii hore Ee Jaale Siyaad.

amisom-kolanyoBartamaha(Muqdisho):-Qaraxan oo ahaa miinada nuuca goobaha fog laga hago ayaa duhurnimadii maanta xiliga Muqdisho waxaa ay la kacday gaari ka mid ah kalanyada Ciidamada Amisom oo halkaasi marayay.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu la kacay gaari ka mid ahaa gawaari ay wateen Ciidamada Burundiga oo xiligaasi ka soo baxay xarunta ay ka daganyihii dhismihii Kuliyadii Jaale Siyaad.

Kolanyada Ciidamada Amisom ay saarnaayeen ayaa qalqal xoogani oo uu ku abuuray qaraxa lala beegsaday waxa ay fureen rasaas muddo socotay taasi oo ay inta badan ku furayeen dhulka Howdka noqday eek u teedsan wadada laamiga ah Ee Warshadaha.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu burbur xoogani u geestay gaarigii ay wateen ciidamada Amisom kaasi oo qeyba badan uu dab ka qabsaday isla mar’ahaantaana aan la ogayn qasaaraha uu gaarsiiyay qaraxaasi burburka gaari geestay.

Saraakiisha u hadasha ciidamadaasi ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin balaaran ka bixiyaan qaabka qaraxa ciidamadooda ay ula kulmeen iyadoo afhayeenka ciidamadaasi Bhuku Briggo uu ku soo koobay hadalkiisa in aanu wax qasaara ah aanay ciidamadooda kala kulmin Miinada manta wadada loogu aasay.

Qaraxa manta ka dhacay hareeraha Kuliyadii Jaale Siyaad ayaa ku soo aadaya xilli dhawaanahanba la hadalhayay in ciidamada Nabad Illaalinta Ee Amisom ay keensadeen Eeyo hareersocanaya gawaaridooda isla mar’ahaantaana ay ku baarayaan qaraxyada iyo Miinooyinka wadooyinka loo dhigo askartaasi.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

 

 

 

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: