Calendar

Ciidamada Badda Dowlada Yamen ayaa shaaca ka qaaday in ay hub ka dhigis ku sameeyeen dhalinyaro soomaaliyeed.

burcadBartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Badda Wadanka Yaman ayaa manta Howlgalo ay ka smaeeyeen Xeebaha wadankaasi waxa ay ku qabteen ilaa 4-Dhalinyara soomaaliyeed ah kuwaasi oo ay ciidamada badda Yaman ku tuhmeen Howlaha Burcad badeednimada ah.

Ciidamada Yaman ayaa saraakiil u hadashay waxa ay sheegeen in dhalinyaradaasi ay ku hubaysnaayeen qoryaha Fudud kuwaasi oo ay sheegeen in ay qorsheynayeen falal afduub Maraakiib  ah.

Kooxaha manta ciidamada Yaman ay qabteen ayaa lagu eedeeyay in ay doonayeen afduubka markab ganacsi isla markaasina laga lahaa dalka Philibin oo xilliga la qabanayay ragaasi ku soo wajahnaa jihada goobta ay joogeen.

Howlaha lagu qabqabanayo dhalinyarada soomaaliyeed oo qaarkood ay yihiin Kalumaysato ayaa ah mid bilihii la soo dhaafay ay maraakiibta wadamada Yurub iyo kuwa kalaba ay ku dhaqaaqayeen dilal iyo qabqabasho raggaasi ku wajahan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: