Calendar

Ciidamada Dowlada oo dhawaan la filayo in ay dagaan Degmada Dayniile Muqdisho.

Dhagaxtuur gaarigii ka gubtayBartamaha(Muqdisho):-Ciidamo Dowlada KMG ah ka tirsan ayaa lo diyaariyay in ay qabsadaan Degmada Dayniile Ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhawaan howlgalo ku dhaqaaqaya.

Degmada Dayniile oo inta badan ay ku xoogan yihiin Saraakiisha sare Ee Alshabaab ayaa waxaa haatan loo diyaarinayay Ciidamo Xoogan oo Dowlada KMG ah ka socda kuwaasi oo doonaya in ay qabsadaan Degmadaasi.

Ciidamadan oo loo abaabulay qaab qabiil ayaa waxaa lagu wadaa in ay gaaraan dhawaan Degmada Dayniile Sida Wasaarada Gashaandhiga,Xaafada Tida iyo Xarunta Degmada Dayniile.

Sida uu cadeeyay Afhayeenka Militariga Dowlada Ibraahim Kaalmooy waxaa Ciidamada Dowlada ay wadaan abaabul weeraro ka dhan ah meelaha ay joogaan Islaamiyiinta.

Isku soo duube Ciidamada Dowlada ayaa dhawaan waxa ay dageen dhismihii Warshada Kabka Wadada Warshadaha Muqdisho halkaasi oo dagaalo xoogan lagu soo qaaday.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: