read more »">
Calendar

Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo Maanta la wareegtay gacan ku haynta Deegaanka Dhoobley ee Gobolka J/hoose.

kismayo

Bartamaha(Dhoobley):- Ciidamada maamulka Xarakada Al-Shabaab ee Gobollada Jubooyinka ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, kuna yaalla xuduuda uu gobolkaas la wadaago dalka Kenya, kadib markii Ciidamadii Axmed Madoobe ay isaga baxeen Deeganka Dhoobley.

Qaar kamid ah Dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Islaamiga ah ee Gobollada jubooyinka oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada Al-Shabaab ay galeen Dhoobley si nabadgelyo ahna kula wareegeen, xarumaha muhimka ah ee deegaanka sida Saldhigga boliiska, xarunta maamulka iyo kontaroolada ku yaal wadooyinka soo gala Deegaankaasi Dhoobley ee gobolkani J/hoose.

Madaxa Warfaafinta Wilaayada islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka ayaa isagu xaqiijiyay qabshadooda ay qabsadeen deegaankaasi wallow uusan ka bixin wax faahfaahinta intaa dheer.

Xoogagii uu horkacayay Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo waramayaa in ay u baxsadeen dhulka howdka ah ee loo yaqaan Badamadow iyadoo sidoo kale lagu soo waramo qaar katirsan Saraakiishii Ururka Xizbul islaam garabka uu wato Axmed Madoobe in ay ka gudbeen Xadka Dalka Kenya.

La wareegidda Deegaanka dhoobley ee ay la wareegeen xoogaga Xarkatu shabaabul Mujaahidiin ayaa kusoo beegmeysa xilli todobaadkii lasoo dhaafay ay sedan oo kale si nabgelyo ah kula wareegeen degmada Afmadow, Deegaanka Buulo xaaji iyo Weliba Deegaanka C/dalla biroole oo dhamaantood ka tirsan Gobolkani J/hoose islamarkaana ay ka arimin jireen xooga Ururka Xizbul Islaam garabka oo wato Axmed Madoobe.

Warar Xaqiiq ah Kala Soco www.Bartamaha.com

Kismayo-Somalia

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: