Calendar

Ciidamada Dowladda Oo Gacanta ku Dhigay Ex Contarol Balcad iyo SOS

DSC_1503Ciidamada dowaldda Soomaaliya ayaa cagta saaray waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad kaddib howl gal ballaaran oo ay saakay ka wadaan qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda oo saakay horey ulla wareegay deegaanno badan oo ay ka mid tahay Warshada Baastada iyo goobo kale ayaa haatan gaaray wadda isku Xirta gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose.

Madaxmed C/llaahi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee dagaalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ay la wareegeen Soos, Suuqa Xoollaha dhammaan degalada Hillawaa iyo gooba badan oo cadowga Shabaab haraadi ku ahaayeen.

Sargaalkaasi ciidamada xoogga ka tirsan ayaa sheegay in ciidamada dowaldda ay haatan cagta saareen waddda kulmisa Muqdisho iyo Balcad waxa uu intaa raaciyay in aysan joogsan doonin inta ay cadowga dalka oo dhan ka saarayaan horjooggayaashoodana ay gacanta shacabka Soomaaliyeed ka soo galinayaan.

Madaxmed C/llaahi ayaa carabka ku dhuftay in qasaarro xooggan ay gaarsiiyeen Shabaab isagoo tibaxay in 15 maleeshiyo ay ku dileen agagaarka Isbitaalka Soos ee magaalada Muqdisho.

Wixii Warar ah eek u soo kordha howl galka cadowga dalka looga xureenayo ha ka fo’aan Radio Muqdisho

__

Radio Muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: