Calendar

WAR DEG DEG AH: Fanaanka Waayaha Cusub ee Digriyow Cabdi Cilmi oo lagu dhaawacay Nairobi.

digriyow

Fanaanka caanka ah ee Digriyow Abdi Cilmi oo ka mid ah xidigaha kooxda Waayaha Cusub ee xaruntoodu tahay magaallada Nairobi ayaa waxaa lagu dhaawacay bartmaha xaafada islii kadib markii ay weerar ku soo qaadeen qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda ONLF kuwaasi oo ka careysan hees ay soo saareen kooxda Waayaha Cusub.

Kooxda soo weerartay Fanaanka Digriyow ayaa ku hubeystaa Baangado iyo mindiyo,waxaana sidoo kale ay wateen laba gaari oo kuwa yar yar ah iyagoona hor dhigtay gaariga uu saarnaa Fanaanka,kadibna waxay ku bilaabeen inay burburiyaan gaarigii uu saarnaa,iyadoo qaar ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday ay la dhaceen baangado iyo dhagax faro badan fanaanka.

Fanaan Digriyow Abdi Cilmi ayaa dhaawac xoogan waxa uu kasoo gaaray Madaxa iyo qeybo badan oo ka mid ah wajiga haba ugu darnaadee Afka. waxana markiiba loola cararay isbitaalka iyaddoo laga dabiibayey dhaawaca soo gaaray fanankaasi.

Kooaxaha hubeysan ee soo weeraray fanaanka ayaa markii ay hubsadeen inay dhaawaceen fanankaasi isla markaana ay baabi’iyeen baabuurkii uu saarnaa meesha isaga baxsadey,Balse Digriyow ayaa mar uu ka hadlay cida soo weerartay uu sheegay inuu garanayo islamarkaasna uu sharciga la tiigsan doono. waxaana hadalkiisa ka mid ahaa isaga oo la hadlayey Kismaayo24.com .

“Waxaa isoo weeraray rag ka badan 30 qof kuwaasi oo ku hubeysan baangado,mindiyo iyo xitaa dhagax aad u faro-badan,waxaana  ay sidoo kale la socdeen laba baabuur oo ay midna horey ka dhigeen gaariga aan watay midna ay gadaal ka dhigeen,taasina waxay igu dhalisay dareen xoogan  waxyar kadibna waxaa kasoo daatay rag weerar igu ah aniga waxaana daqiiqado yar la burburiyey gaarigii aan la socday anigana waxaa la iigeystay dhaawaca iiga soo gaaray madaxa iyo afka,laakiin waxaa alle iga badbaadiyey sida ay rabeen inay ii dilaan.” ayuu yiri  Al-Fanaan Digriyow Abdi Cilmi,isagoona hadalkiisa sii waata kana hadlaya aqoon inuu u leeyahay dadkaasi waxa uu yir .

” Waxaan aqaan badi dadka isoo weeraray,waxaana filayaa inuu weerarkan daba socdo socdaalkii aan dhawaan ku tagnay Itoobiya,Balse ma filayo in aan uga harayo dhibka ay ii geysteen. saldhiga Booliska waan ka diiwangelinayaa dhaawaca iyo weerarka isoo gaaray,waxaana kabaha u gashan doonaa sidii aan uga aarsan lahaa cidii u dhaawacday” ayuu si ay caro ku jirto u yiri Fanaanka da’dayar ee Digriyow Abdi Cilmi.

Ma ahan markii ugu horeysay oo fanaan ka tirsan kooxda Waayaha Cusub lagu dhaawaco magaallada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii,waxaana 3 sano ka hor sidan oo kale dhaawac daran loogu geystay Abwaanka kooxda WaayahaCusub Shiine Abdilaahi Ali “Shiine Akhyaar”  laakiin kooxdan ayaana marna ka joogsan hadafka ay leeyihiin si kasta oo loo dhaawaco qaar iyaga ka mid ah.

Kooxda Waayaha Cusub waxay dhawaan soo saareen hees ay u bixiyeen UBOOY ma qaadanaa Nabada  taasi oo loola jeedo kooxda ka dagaalanta ismaamulka somalida Itoobiya ee ONLF.  Waxana haddii ay taasi rumowda kooxda soo wajahaya waji cusub oo dagaal,iyagoo horey isaga ilaalin jiray Dowlada Itoobiya,Al-Shabaab iyo Xukuumada somaliya oo xiligii Abdilaahi  ay heeso ka sameyn jireen.

Halkan ka daawo Heesta UBOOY .

http://www.youtube.com/watch?v=vKxjOC4FdaU

Filo dhawaan sawiro aan idin kasoo gudbino Fanaanka la dhaawacay iyo codkiisaba.

Abdi Jama Madoobe.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: