Calendar

Dagaalo Maalintii Labaad ka socda Magaaladda Muqdisho.

3527-full-so

Bartamaha (Mogadisho):-Rasaas iyo Madaafiic ayaa laga maqlayaa goobihii shalay ay dagaaladda ka dhaceen magaaladda Muqdisho , hugunka madaafiicdaas oo u badan kuwa Taangiyada ayaa si aad ah looga maqlayaa magaalada qeybaheeda kala duwan.
Dagaaladaani saakay ka dhacayay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa waxaa uu u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaa shanaya kawa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab, iyagoo gaystay qasaaro gaystay dhimasho iyo dhawac soo gaaray dad rayid ah.

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Gen. C/kariin Dhega-Badan ayaa u sheegay saxaafada inay kaabiga u fuulaan Jidka Wadnaha oo ah jid saaran Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Dagaalka ayaa la sheegay in saakay xoogiisa uu ka dhacay xaafadaha Siigaale, Wadada shaqalaaha, Sayidka iyo Isgoyska Howlwadaag halkaasi oo dagaal ay iskala soo horjeedaan dhinacyada isku huya magaalada Muqdisho.

dhan kalle Afhayeenka Ciidamada Shabaab Sheekh Abuu Muscab ayaa isna sheegay inay hayaan Meydadka Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Hub ay ku qabsadeen dagaalka, ayna goor dhow soo bandhigayaan.

Dagaalada inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa saraakiisha dowladda iyo kuwa Al Shabaab waxaa ay ka sheegtaan guula ay ka gaareen dagaaladaasi, hase ahaatee majiro ilo ka madax banaan labadaasi dhinac oo xaqiijinaya guula ay kala sheeganayaan.
Wixii warar ah dagaaladan ku soo kordha waan idinla socodsiin doonaa

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: