Calendar

Dawlada Maraykanka oo sheegtay in dalka Uganda ay weeraro la mid ah kuwii Westgate ku soo fool leeyihiin

Sirdoonka Mareykanka ayaa ka digay suurta galnimada weeraro lagu qaado magaalada Caasimada ah ee Kampala ee dalka Uganda, kaasoo la mid ah weerarkii bishii hore lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.

Afhayeen u hadlay dowladda Uganda ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro lagu soo qaado, ayna laamaha ammaanka dalkaas xoojiyeen sugida ammaanka iyo la socodka dhaq dhaqaaqyada xuduuda iyo garoonka diyaaradaha.

Warka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in Laamaha sirdoonka ay heleen macluumad sheegaya weeraro lagu qaado Uganda, iyadoo aan la tilmaamay goobaha la bartilmaameedsanayo.

Safaarada Mareykanka ku leedahay Kampala ayaa ka digtay weeraradaas oo ah kuwo abaabula in lagu qaado meelaha muhiimka ah ee magaalada Kampala.

Al-Shabaab ayaa ugu hanjabay dalalka deriska ee Ciidamada ka jooga Soomaaliya inay weerari doonaan dalkooda hadii aanay la bixin ciidankooda.

Sanadkii 2010 bishii July ayay aheyd markii u horeysay oo Al-Shabaab weerar dibad ah ay ka geysato magaalada Kampala goobo lagu daawanayay Finalk Koobkii Aduunka ee lagu qabtay dalka Koofur Afrika, waxaana ku dhintay ilaa todobaatameeyo ruux

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: