Calendar

Dawlada Shiinaha oo dhisaysa wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Burco

Wasiirada_Dibada_Somalia_FowzioRa’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H.Adam oo maanta Caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabatay kadib safar shaqo oo qaatay muddo ka badan hal todobaad oo ay ku joogtay wadanka China iyada iyo wafdi ay hogaamineysay oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mahdi Maxamuud Cali iyo Wasiir kuxigeenka howlaha guud ,dib u dhiska ,gaadiidka badda,dekedaha iyo tamarta Nadiifa Maxamed Cismaan , ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in dowladda China ay la soo saxiixatay heshiis dhinacyo badan taabanaya , kaasoo ay qeyb yihiin dib u dhiska wadada xiriirisa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Burco, garoonka weyn ee Stadiom Muqdisho,Isbitaalka Banaadir, Tiyaatarka iyo goobo kale .

H.E. Fawzia Yusuf H.Adam, oo Shir jaraa’id ku qabatay Airport-ka Aden Abdulle ee Muqdisho ayaa sheegtay in dowladaha Soomaaliya iyo China uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo soo taxnaa muddo 1000 sano ah , iyadoo Soomaaliya ay uga horeysay wadamada bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la sameeya China ,iyadoo la xasuusan yahay in Soomaaliya ay u ololeysay ,una codeysay China si ay u hesho xubinimada joogtada ee golaha amniga .

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo si heer sare loogu soo kala dhoweeyay Magaalada ganacsiga ah ee Shanghai,gobolka Inner Mongolia iyo Caasimadda China , ayaa waxa ay mudadii halkaasi ay joogtay ay la kala kulantay Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare kuxigeenka China Wang Yang , Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe ee dalkaas.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: