Calendar

Madaxweynaha oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Faroole

president-hassan-mohamud_largeMadaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo jawaab ka bixinayay hadal uu shalay siiyay wakaalada wararka ee Rueters madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in wax laga xumaado uu yahay hadalka kasoo yeeray madaxweyne Faroole.

Balse madaxweyne Xassan waxaa uu sheegay inuu ku hawllanyahay sidii uu wadahadal ula furi laha dawlad goboleedka Puntland oo uu ku tilmaamay inay tiir adag u tahay dawladnimada Soomaaliya.

“Dawladan aan hadda madaweynaha ka ahay Puntland iyadaa wax kasoo dhistay, waxaanan la furaynaa wadahadal is aan uga qancino waxyaabaha ay tabanayaa” ayuu yiri Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa shalay hadal uu jeediyay ku qaadacay heshiiskii ay dawladu la gashay Jubbalan, waxaana uu ku tilmaamay dawlada Xassan Sheekh inay isku dayayso maamul lamid ah kii Maxamed Siyaad Barre ee kaligi taliska ahaa.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: