Calendar

Golaha Wasiirada oo manta ku shiray Magalada Muqdisho Warsaxafadeed

golaha-wasiradaShir ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed(Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dilkii Fazoul AbdullahMohamed, arrimaha siyaasadda iyo dib u habeynta Agaasimayaasha Guud iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada waxey warbixin ka dhageysteen Wasiiru Dowlaha WasaaraddaDifaaca oo golaha siiyey warbixin la xiriirta amniga guud, gaar ahaan howlgalada kasocda gobolada dalka sida Gedo iyo Hiiraan iyo dilkii dhowaan ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dileen horjoogihii Al-Qaeda ee Bariga Afrika, FazulAbdullah Mohamed.

Golahu waxey ammaan u soo jeediyeen ciidanka Xoogga DalkaSoomaaliyeed iyo sidii geesinimada laheyd ee ay u dileen hoggaamiyaha Al-Qaeda eeBariga Afrika.

Golaha sidoo kale waxey warbixin ka dhageysteen Agaasimaha Nabasugidda Qaranka, Dood dheer ka dib waxaa la isku raacay in la adkeeyo amniga bacdamaa kooda Al-Shabaab jab weyn loo geystay, lagana fili karo in ay fuliyaan falalargagax iyo dhib joogta ah u keeni kara shacabka soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Wasiirka Haweenka iyo horumarinta qoyska Drs Maryam Qasim ayaagolaha soo hordhigtay shaqsiga ay u aragto inuu mudan yahay in laga dhigoa gaasimaha guud ee wasaaradda Haweenka. Wasiiradu waxey golaha u akhrisay taariikh nololeedka shaqsigii ay u soo xushay.

Dood dheer ka dib golaha wasiiraduwaxey isku raaceen in Mudane Mohamed Omar Nur uu noqdo Agaasimaha Guud eeWasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.

- DHAMAAD -

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: