read more »">
Calendar

Dowlada oo ka laabatay Mamnuucista Indha shareerka

NiqaabkaBartamaha (Muqdisho):- Taliye shalay kashifay si deg deg ahna u bilaabay fulinta amar hore loo soo saaray oo ka dhan ahaa Indha shareerka ayaa maanta si cad u cadeeyay in uu ka laabtay go’aankaasi.

Taliye Axmed Yare oo ahaa ninka loo xilsaaray fulinta amarkan ka dhanka ah Indha shareerka ayaa markii shalay ay Ciidankiisa gubeen boqolaal Indha shareera ah waxa uu saaka shaaciyay in uu go’aankaasi dib uga laabtay.

Axmed Yare ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Ammaanka Ee Ex-Control Afgooye ay shalay fuliyeen go’aan guud oo ka dhan ahaa Indha shareerka balse hadda uu iskiis u goostay in uu ka laabto go’aanka ka dhanka ah Niqaabka.

Taliyaha waxa uu cadeeyay in Dowlada ay amniga u baqanaysay oo ay go’aan guud ku gaartay in Niqaabka ama Indhashareerka lala dagaalo sidaa darteedna ay ciidanka dowlada shalay u fuliyeen amarkaasi balse hada uu ka noqday si iskiis ah.

Taliyahan ayaa waxa uu muujiyay in Haweenka shalay indha shareerka laga gubay ay ka xumaadeen balse uu u sheegayo in ay sababi keentay arintaasi isagoo aan raali galin muuqata siinin dumarkii shalay waayay weji xerkooda ama Indhsshareerkooda.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: