Calendar

Dowlada wadanka Talyaaniga ayaa si kulul u beenisay Casuumaad la sheegay in ay u samaysay Sheekh Xasan Daahir Aweys.

talyaanigaBartamaha(Muqdisho):-War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Safaaradda Talyaaniga ah ee magaalada Nairobi ayaa lagu beeniyay Casuumaad la sheegay in Dowlada talyaaniga ah ay u fidisay Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Safaarada Talyaniga ah ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay in aanay waxba ka jirin warar dhawaan la faafiyay kaasi oo ku aadanaa casuumaad ay dowlada wadanka Talyaaniga ah ay u fidisay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah gudoomiya urur diimeedka XiZbul Islaam.

Safaarada ayaa sheegtay in kulanka dhawaan ka dhacaya Magaalada Rooma uu yahay kulan casuumaad ah oo ay u fidiyeen Wadamada Somalia Contact Group loogu yeero balse aanay wax shaqa ah ku lahayn mucaaradka soomaalida.

Talyaaniga ayaa ku sheegay shirkaasi un uu dagsanyahay jadwalkii lagu wadi lahaa iyagoo sheegay in uu shirgudoominayo Ergayga gaarka ah ee QM soomaaliya isla markaana uu soomaaliya u matalayo Wasiirka arimaha dibadda.

Warar dhawaan ay shaaciyeen warbaahinta ayaa la sheegay in qoraal ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda Talyaaniga lagu casuumay Xasan Daahir in uu yimaado Rooma si uu kulamo ula yeesho madaxda dowlada Talyaaniga wallow taasi ay si rasmi ah u beenisay safaarada talyaaniga Nairobi.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: