Calendar

Kooxa aan la aqoonsan ayaa xalay dil gowrac ah u gaystay ilaaladii Hoyga Ex-Gen.Axmed Jilicow Caddow Degaanka Suuq Bacaad Ee Degmada Yaaqshiid.

kooxoBartamaha(Muqdisho):-Xalay Saqdii dhexe ayaa kooxo aad u hubaysan waxa ay u dhaceen hoy uu lahaa Generaalkii la dilay Axmed Jilicow Caddow halkaasi oo ay ku gowraceen 2-nin oo ilaala ka ahayd gurigaasi.

Ragga guriga u dhacay ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen kooxo gawaari dagaal wadatay kuwaasi oo si qorshaysan u galay hoygaasi ka dibna ay gacanta ku dhigeen laba nin oo rasaas markii hore ay isdhaafsadeen.

Dhalinyarada la qabtaya ayaa waxa ay ahaayeen ilaaladii gurigaasi oo xiligan uu daganaa Jibriil Axmed Jilocow oo ahaa wiil uu dhalay Gen.Axmed Jilacow oo ay rag hubaysan muddo haatan laga joogo 2-sano ku dileen Isgoyska 4-Jardiino.

Kooxaha Hubaysan ayaa waxa ay gabi ahaanba ay rarteen qalabkii iyo Ducomentiyadii yaalay gurigaasi iyadoo mudda ka dibna ay dileen ilaaladii kuwaasi oo la sheegay in dilkooda loo adegsaday Midiyo lagu gowracay.

Dilka qaabka uu u dhacay ayaa waxaa si weyn uga sheekaysay haweenay ku jirtay gurigaasi oo aan wax waxyeela ah loo gaysan balse horteeda lagu qalay wiilasha ilaalada ahaa sida ay iyada saxaafada u sheegtay.

Dilkan ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay ka dib markii ay dhalinyarada la dilay laga wareystay ciida ay u shaqeynayeen iyadoo ka dib ay si rasmi ah ay u gowraeceen ka dibna gurigaasi ay faarujiyeen muddo saacada ah ka dib markii ay qaateen agabyo uu ku shaqeynayay Jibriil Jilacow oo la sheego in uu shaqada uu hayay uu ka dhaxlay Aabihiis oo horay loo dilay.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: