Calendar

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay magacyada dadkii ku dhintay qaraxii Beledweyne

qa721BARTAMAHA — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in khasaara xoogan uu kasoo gaaraya weerarkii is qarxinta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne.

Wareegto kasoo baxday dowlada ayaa lagusoo bandhigay magacyada dadkii lagu dilay qaraxaas iyo jagooyinka ay hayeen.

Mas’uuliyiin katirsan dowlada ayaa sheegay in racsi heer qaran ah loo samay doono Wasiirka amaanka qaranka iyo saraakiishii la geeriyootay.
1-Xildhibaan Cumar Xaashi Aadaan (wasiirkii Amniga Qaranka)

2-C/kariin Faarax Laqannyo (Ambasador)

3-Max’ed Cabdi Yaroow (Gaashaanle sare)

4-Max’ed Barre Fiidow (Gaashaanle Sare)

5-Cumar Xasan Dhudi (G/sare iyo Taliyihii Ciidanka Asluubta Hiiraan.)

6-Yuusuf Xuseen Tima Cadde (Korneel.)

7-Faarax Cabdule Fiidow (Nabadoon.)


8-Xasan Dariiqow (Nabadoon.)

9-Xasan Cilmi Hure (Nabadoon.)

10-Axmed Carabay (Nabadoon)

11-Cilmi Shire  (Nabadoon)

12-Max’ed Cabdi Cibaar (Abwaan)

13-Cabdi Dhuux Guure Cali (Abwaan).

14-Buule xaashi Aadan (Ganacsade)


15-C/fitaax Cali xaydar (Injineer)

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan maydad kale oo aan weli lagaran magacyadooda sababa laxariira gubasho saa’id ah oo jirkooda gaartay.

BARTAMAHA Muqdisho

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: