Calendar

Warbixin dheeraad ah oo uu noosoo gudbiyay weriyaheena Beletweyne ayaa sheegaysa in gaariga wax lagu qarxiyay maalmo dhoweyd iib lagu raadinayay

14Waxaa sii kordhaya dadka u dhimanaya qaraxii shalay ka dhacay Magaalada B/weyne ee xarunta G/hiiraan iyadoo xalay ilaa shan qof oo dhaawac ahaa ay ku geeriyoodeen Ispitatlka kuwaasi oo lagu wado in maanta la,aaso oo ay ku jiraan dad aan lagaranaynin.

 

Alaha unaxariistee waxaa isla shalay gilinkii dambe qabuurayaal kala duwan oo ku yaala Magaalada B/weyne lagu Aasay dad tiradooda ay gaarayso ilaa 28qof oo ay kamid yihiin Waziirkii amniga Qaranka,Odoyaal Dhaqameed,siyaasiyiin,saraakiil Ciidan iyo dad rayid ahaa oo goobta ka agdhawaa inkastoo dadkii la,aasay uusan kamid ahayn Safiirkii hore ee Dowlada C/kariin Faarax Laqanyo oo ilaa haatan meel lagu sheegin maydkiisa laakiin saraakiil kamid ah laamaha Caafimaadka waxa ay sheegeen in xubnaha jirkiisa ay baaba,een islamarkaasina ay cad cad u go,een taasi oo loosheegay ehelada marxuumka.

 

Aaska marxuumiintaan ayaa waxaa ka qeyb galay Duubabka,Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka,Odyaasha Dhaqanka,Culima,udiin iyo dad kale oo aad u faro badan oo ka tiiraanyeesan geerida naxtinta leh ee ku timid dadka dhintay waxaana dhamaan dadkii kasoo qeyb galay Ilaah ugu baryeen in Janadiisa ka waraabiyo islamarkaasina ay dishay gacan ka xaqadaran.

 

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada B/weyne ayaa waxaa u ahaa kii uu horeeyay ee ay arkaan dadka reer B/weyne iyagoo ay hadal haynta noqotay qaraxa,waxaana ay dadka sheegeen in gaariga wax yaalaha qarxa laga soo buuxiyay ee shalay lagu qarxiyay Waziirka xubno uu kamid yahay oo nuuciisu ahaa Mark Two uuna maalmahan yiilay Magaalada iyadoo ay ku qornayd WAA IIB.

Ismiidaaminta ka dib gudoomiyahay Maamulka G/hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahin Macow oo shirjaraa,id qabtay ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay cida ka dambeysay isagoo sheegay in ay soo abaabuleen kooxo diidan in dadka ay helaan nidaam Dowladeed islamarkaasina jecel in wadanka uu ku jiro fowdo iyo kala dambeeyn la,aan isagoo sheegay in aysan jirin cid uu farta ku fiiqiko in ay ka dambeeyeen musiibadii dhacday isagoo tacsi u diray dhamaan soomaalida jecel nidaamka gaar ahaan dadkii ay eheladooda ku dhinteen qaraxii foosha xumaa ee shalay dhacay islamarkaasina aysan wax u dhimi doonin howlaha amaanka waxaana uu dadka ugu baaqay in ay is dajiyaan oo ay ka qeybtaan arimaha amaanka si looga hortago arimaha nuucaan ah.

Sikastaba ha,ahaatee habeenkii xalay ayaa Ciidamo fara badan oo ka yimid dhinaca Jento Kundisho lagu soo daadiyay Degmada B/weyne kuwaasi oo ka qayb qaadanayay sugida amaanka waxaana ay xireen labada buundo ee isku xira Degmada in kastoo uu bandowsaaran yahay Magaalada B/weyne mudo haatan laga joogo Bilku dhow.

Halkan ka daawo Sawiradii Hoteelka
23

33

 

44

52

62

Ibraahim Geedi
Bartamaha wararka Soomaaliyeed
www.bartamaha.com
B/weyne

Comments

comments

Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: