read more »">
Calendar

Faah Faahin Dheeri oo ka soo baxeysa Booqashadda ra’iisal Wasaaraha Turkiga uu maanta ku yimid magaaladda Muqdisho

1Muqdisho Soomaaliya (www.Bartamaha.com):- Waxa maanta sagaalkii subaxnimo garoonka duyuuradaha Aadan Cadde soo fadhiisatay seddax diyaarad oo ay la socdaan wafdi ballaran oo hogaaminaayo ra’iisal wasaaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa oo maanta yimid magaaladda Muqdisho.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha oo ku jireen caruura uu dhalay, qaar ka mid ah oo kala ah labo gabdho iyo hal wiil waxa ku jiray, Xildhibaano, Wasiiro, Ganacsato, Fanaanin wariyaal iyo in ka badan 100 ilaa ladda ra’iisal wasaaraaha Turkiga

Markii ay diyaarada ra’iisal wasaaraha soo caga dhigatay garoonka ayaa waxa lagu soo dhaweeyay heesta calanka dalka Turkiga iyo Mida Soomaaliga.

Waxana halkaas gaada ka ciyaar ka soo bandhigay ciidamada iyo qolyaha baambeeyadda dowladda.

Inyar ka dib markii, wuxuu Ra’iisal Wasaaruhu isaga iyo wafdigiisa ay soo booqdeen xearada Badbaado 2, oo ay ku jiraan dad ku soo barakacay Muqdisho.iyo xero kale oo ku taala meel ku dhow madax tooyadda Villa Soomaalia

Ra’iisal wasaare Erdoğan ayaa toddobaadkan horraantiisii waxa uu Guddoomiyay shir dalalka Islaamka oo ugu deeqay Soomaaliya saddax-boqol-iyo-konton milyan oo doollar.

Ugu dambeentii Ra’iisal wasaaraha Turkiga iyo Madaxweynaha Soomaaliya waxa ay kulan albaada u xiran ka dib waxa ay shirjaraa’id ku qabteen xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya

Ra’iisal wasaaraha Turkiga ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu yimaado Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga waxa uu sheegay in uu ka qayb qaadan doono dib u dhiska sidda kaa bayaasha bulshadda sidda dhismooyinka wadooyinka, Isbitaallo ilaa lix ah, iskuulo.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed isana waxa uu sheegay in aad ugu farax san yahay wafdi ballaan oo noocan oo kale ay yimaadan Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa waxa ay markii dambe ku laabteen halka ay ka yimaadeen.

Inta badan ma dhacdo in Hoggaamiye caalami ah soo booqdo Muqdisho, oo ay halakleeyeen colaado iyo abaaro ka socday in ka badan 20 sano.

Si kastaba, Madaxweynaha Djibouti, ISmaaciil Cumar Geelle, ayaa isaguna booqday Muqdisho toddobaadkan horraantiisii.

W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: