Calendar

Faah Faahin Ra,iisul wasaarihii hore oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho _ Masuuliyin ay kamid yihiin Madaxweyne xasan Shiikh Maxamuud, Ra,iisul wasaare Cabdiweli shiikh Axmed, Guddomiyaha Baarlamaka Maxamed Shiikh Cismaan jawaari, Madaxweynaha Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxkale ayaa hab maamusa maydka marxuumka uguso dhoweeyay garonka Muqdisho.

3

Masaajidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho ayaa salaada janaasada loogu tukuday AUN, Ra,uusul warihi hore Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Aaska Maydka AUN marxuum Cabdirisaaq xaaji Xuseen ayaa ka dhacay qabuuraha Ceel- Cirfiid, isagoona lagu dhainac Aasay Qabriga uu ku duugan yahaya madaxweynihi hore ee Somaliya Aadan Cabdule Cismaan.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo kahadlayay goobta uu ka dhacay Aasku ayaa waxa uu ku tilmaamay Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen shakhsi ku dayo mudan.

6

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xiligii uu ra,iisul wasaaraha ahaa marxuumka geeriyoday uu kaalin muuqata kaqaatay ciribtirka musuq maasuqa, helitaanka maamul wanaag iyo u adeegida shacabka soomaaliyed.

Aaska Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa laga dareemay guddaha magaalada muqdisho, waxaana aad uga tacsiyeeyay geeridsa shacabka soomaaliyeed iyagoona alle uga baryay inuu janadiisa geeyo.

1 2 (1) 3 5 6

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: