Calendar

Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul wasaraha Soomaliya oo kulan gaara ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho _ Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan albaabadu uxirnaayeen kula qaatay magaalada Muqdisho Ra’iisul wasaaraha Somaliya Cabdiweli Shiikh Axmed.

Kulanka oo socday wakhti kooban ayaa ka dhacay xafiiska Ra,iisul wasaaraha, mana jirto cid sitoosa uga warantay waxay kawada hadleen, inkastoo la aamin sanyahay inuu wada hadalkodu khuseeyo sidii loo hagajin lahaa xirirka labada dhinac.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo wafdigiisa ayaa goor dhoweed kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho waxana lafilaya inay goor dhow kasoo degaan magaalada Garowe ee xarunta dowlada PL.

www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: