Calendar

Minneapolis: FBI -da oo maanta Baaritaan weyn ku samaysay Alaabana ka qaadatay Xawaalado Soomaali leedahay

Dukaanka FSG. Dukaankan ayaa lagu gadaa dhar kala nooc ah, cajaladdaha, kabaha iyo alaabo kala duwan.

Dukaanka FSG. Dukaankan ayaa lagu gadaa dhar kala nooc ah, cajaladdaha, kabaha iyo alaabo kala duwan.

Waaxda sir raadinta ee FBI da ayaa waxay maanta baartay saddex xawaaladood oo ku yaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. FBI da ayaa maanta iyaga oo wata warqad iyo cadeyn ogolaansho u siinaysa in ay baaran xawaaladdaha kala ah, Al-Mustaqbal, Qaran Express iyo Aaran Financial (Olympic), ayey si lama filaan ah ugu tageen xawaaladahan isla markaasna baaritaan ku sameeyen ganacsatada Soomaaliyeed.
Shaqaalaha FBI da ayaa waxay goobaha xawaaladaha ka qaateen baakado ay ka buuxaan buugaag, warqado, iyo faylal kale. Waxay kale oo ay kombuyuutarada ay xawaaladahani isticmaalan ka shubteen faylal akhbaaro iyo macluumaad muhiim ah ay ku lifaaqnaayeen.

In kasta oo aan war dheerad ah laga haynin, shaqaalaha FBI duna ayna sheegin sababta kaliftay in baaritaanka noocan ah lagu sameeyo Xawaaladahan aan kor kusoo xusnay, ayaa hadana waxaa xusid mudan in Xawaaladaha kuyaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota marar hore ama dhowr jeer baaritaan noocan oo kale ah qaarkood lagu sameeyay.

Xawaaladda Al-Mustaqbal ayaa iyaduna ku taala suuqa loo yaqaano Moolka 24ka.

Xawaaladda Al-Mustaqbal ayaa iyaduna ku taala suuqa loo yaqaano Moolka 24ka.

Xawaaladaha baaritaanka lagu sameeyay ayaa waxay ku kala yaalaan labadda suuq ee ugu waaweyn ee ay Soomaalidu ku ganacsato. Xawaaladaha Qaran Express iyo Aaran Financial (Olympic) ayaa waxay ku yaalan suuqa loo yaqaano Kaarmel Mool. Al-Mustaqbal ayaa iyaduna ku taala suuqa kale ee loo yaqaano Moolka 24ka.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in baaritaan culus ay shaqaalaha FBI du ku sameeyeen dukaan la yiraahdo FSG. Dukaankan ayaa lagu gadaa dhar kala nooc ah, cajaladaha, kabaha iyo alaabo kala duwan, Dukaanka marka magaciisa lasoo gaabiyo la yiraahdo FSG ayaa isaguna ku yaala suuqa 24ka. Shaqaalaha FBI da ayaa waliba jabiyay qufuladii ku xirnaa albaabadda dukaankan, qaatayna dhamaan alaabtii dukaanka taalay.

Dhacdadan iyo baaritaanka noocan ah ee ay FBI du samaysay maanta ayaa wuxuu abuuray in bulsho weynta Soomaaliyeed ay warar aanan xaqiiqdooda la hubin iyo su’aalo aanan wax jawaab ah loo haynin isla dhex maraan.  Labadda suuq ee ay Xaawaladdahu ku yaaleen ayaa waxaa si xoogan u joogay warbaahinta maxliga ah iyo wariyayaasha la shaqeeya aaladaha kala duwan ee wararka lagu soo gudbiyo.

Shabakada www.Bartamaha.com iyo Bartamaha TV ayaa hadaba idinla soo socod siin doonta wixii akhbaar dheerad ah ee arintan ku soo kordha.

W/Q: Abdirahman “Abdirashiid” Mukhtar

Sawir Qaade: Mohamed Wiilwaal

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Diaspora, Minnesota, Photos and tagged , , , , .
« »

Comment: