Calendar

Gareth Barry Oo Qarka U Saaran In La Ganaaxo

Ururka kubada cagta ingiriiska ayaa ku eedeyay laacibka City Gareth Barry in erayo qaldan uu ku dhawaaqay intii uu socday kulankii darbiga City iyo United , waxaana loo qabtay muddo laba maalin ah in uu kaga soo jawaabo eedeymaha loo soo jeediyay .
Barry ayaa lagu haystaa in garsoorihii ciyaartaas uu u adeegsaday erayo aaan wanaagsaneyn , waxaana la arkayay isaga oo erayo xanaaqsan ku dhawaaqayay.
Arintaan ayaa soo baxeysa xilli City dhanka kale lagu haysto in ay maamuli karin garoonka xilli taageerayaasha ay soo galeen garoonka kuna xad gudbeen ciyaarooy ka tirsan United .
City ayaa raali gilin ka bixisay weerarkii laguq aaday daafaac Untied Rio Ferdinand , mana jiraan war ka soo baxay City oo ku aadan eedeynta loo haysto Barry .

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ].
« »

Comment: