Calendar

Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo oo la weeraray

Wararka aan ka helayno magalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegayo in xalayto ay kooxo hubeysan weerar ku ekeeyen garoonka diyaaradaha ee magalada Kismaayo.

Weerarka ayaa la sheegay iney ka danbeeyeen kooxo ka tirsan maleeshiyaadka AL Shabaab oo dhawaan laga saaray halkaasi, waxana la sheegayaa in la isku adeegsaday madaafiic.

Ilaa hada ma cada qasaaraha ka dhashey weerarka, iyadoona labada dhinac aysen walito ka hadlin weerarkii xalayto ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Wafdi ka tagay magalada Nairobi oo ku howlanaa maamul u sameynta deegaanadda Jubooyinka ayaa ku sugan halkaasi kuwaas oo dadka deegaanka iyo maamulada hada  gacanta ku hayo magalada la yeelanayo kulamo.

Warar hore oo soo baxayay ayaa lagu sheegay in Kismaayo la doonayo iney marti galiso shir looga hadlayo maamul u sameyta Jubooyinka kaas oo haatan ka socda magalada Nairobi balse ma cado fikirkaasi inuu socon karo.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: