Calendar

Geeraar Macaan oo Lamagac Baxay HAMUUN JACEYL.

Inta badan Geeraarku wuxuu ka qeyb qaataa kobcinta Jaceylka haba ugu badnaado waqtiga Haasaawaha Labada Lamaane ee Shukaansiga.

Geeraarkaan waxa uu la magac baxay HAMUUN JACEYL waxaana inta badan Shabakada Aduun.com idiin soo gudbisaa geeraaro hadba mowduuc ah kaasood Nasiibkaaga ku kasban kartid mid adiga kugu saabsan ama Magaca Lamaankaaga ku saabsan.

Ku bilaaw sedex sadar oo Jeybkaaga ah kaasood qalbigaaga ka keensanaysid hana ahaado mid Xarafka ugu horeeyo ka bilaawdo H kadib ku dabo qabo sidaan..

Hamuun baan kuu qabaa

Halbowlihii dhiigga siday iyo

Howl wadeenkii jirkoo idil

Heegan buu kuu yahey

Haddaan kuu jeedi waayo

Hurdo caashaq maan helin

Hilowga aan kuu qabo

Howlaha adduunkaa

Is hareero yaallee

Hoog iyo caloolyoow

Hurdo xumaan ku noolahay

Haasaawe maan helin

Hilowga aan kuu qabo

Habeenkii oo idil

Hareerahaan kaa dayaa

Hamuun caashaq baa I helay

Heesaha jaceylkuna

Adaa igu habay dhammaantood

Horaadkaaga I saaroo

Hamuunta iga gooy.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Sheeko gaaban, Warar Kale [ Other News ].
« »

Comment: