Calendar

wanaageeda inta aan ka talinaayay ayey xumaanteeda falkineysay (Qiso Murugo leh)

ASC Salaan ka dib ma jecleen in taariikhdaan aan kusoo bandhigo Internetka gaar ahaan website-ka http://www.bartamaha.com laakiinse hadana si aan u heli nafis ama wax la mid ah waxaan dan biday in wax walba oo i qabsaday aan halkaan kusoo baahiyo si walaalaheyga Soomaaliyeed ay talooyin iyo arimo kale ay i siiyaan.

Ilaahaygii i uumay ayaan ku dhaartay Taariikhdaan ha u qaadan wax la iska yiri waa mid igi dhacday aniga oo ah qoraha arintaan, waxaana ilaa hadda i haaya dhib weyn oo walaahi aan kala kulmay Jaceyl xooga oo i qabsaday, waxaana qoraalkaan uu yahay mid aan ku soo bandhigaayop wax walba oo caloosheeda ku jira, idinkana waxaan idinka sugaa talooyinkiina.

Magaceyga Waa Maxamed Xasan Caran, waxaan ka mid ahay dhalinyarada ku nool degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, waxaana aan in muddo ah aad iyo aad u jeclaa gabar aan magaceeda ceebsaday inaan halkaan kusoo baahiyo, sanado aad u badan ayaan is jecleen, laakiinse aniga wanaageed ayaan ka talinaayay iyadana xumaanteeda ayeey ka talinaysay.

Run ahaantii aniga waxaan ka rabay Mustaqbal inaan guursado ayaan jeclaa laakiinse iyada dano kale ayeey igu wadatay, waxaana ay ila waday wiilal kale laakiinse aniga waxba uma arag ileen Jaceylka aan u qabo ayaa igu weynaa, waxaana arki jiray Fariimo qoraal ah oo Moobilkeeda rag kale ugu soo direen iyana ay uga dirtay laakiin wax walbo kalsoonida ayaa iiga wanaagsaneed, hase ahaatee maxaa igu dhacay ma taqaanaan.

Gabadhii qalbigeyga oo dhan ayaan siiyay, waxaana u maleenaayay in aysan jirin gabar aan iyada ahayn, wax walba oo ay i dhahdo ma diideen ileen waa qof aan jeclahay, walaahi sidoo kale waxaan mar walba ka ilaalinaayay in gabdhaha asaageeda ah ay ka liidato qurux iyo wax walba intaba.

Waxyaabaha qaar ma jeceli inaan sheego waayo qof waxaad u sameesay inaan sheegno hadaan Soomaali nahay weaa nau ceeb, laakiin ugu dambeen aniga waxaan is dhahay maadaama gabadhaan aad wada socoteen markaan ka dalbo guur, laakiin maxaa iga keenay ayaa meesha ka dhacday.

Habeen habeenada ka mid ah ayaan xaafadeeda ugu tagay waxaan u sheegay in markaan aan go’aan ku gaaray inaan is guursano waxaana weydiiyay waxa ay ka qabto arinkaa farxadda ah, walibana aan u sameen doono wax walba oo ay iga dalbato.

Aniha haa ayaan ka sugaayay laakiin aad ayeey iiga nixisay Isheedana ilaahay haka duwo, waxan i dhahday aniga saaxiib guur iyo wax la mid ah ma rabo, waxaana ku guursan doonaa meel aan Soomaaliya ahayn, hadii aad guur u bugto meelaha ka doono naago kale.

Aniga waan naxay Walaahi waxaan dhahay abaayo macaan maxaad ka wadaa hadalkaasi mise waa kaa kaftan, waxay i dhahday ma jirto wax kaftan la dhaho ee fadlan hadiiba aad waxaas keentay nagu kala wad, waxayna gaartay anoo iska ilimeenaayo inaan kasoo tago.

Naf wax jecel ayaan ahaye waxaan u diray taleefan waxaana ka codsaday in aysan Jaceylkeena dheeraa aysan dayacin, xitaa guurka aan hadda joojinaayo balse JACEYLKEENA uusan dhamaan, balse waxay i dhahday wax aan kuu haayo haba yaraatee ma jirto, marka maxaan sameeyaa qalbigeyga waa dhaawac, gabadhana ima rabto, anigane waan jeclahay inaan hilmaamo waan kari la ahay.

Walaalaheyga Soomaaliyeed waxaan ka codsanaayaa inay taladooda isiiyaan Fadlan waa intaas oo aan wax ka faa’idaa waxaad xitaa iigu soo hagaajin kartaan Gmailkan [email protected] ama [email protected]

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Madadaalo | Entertainment, Sheeko gaaban.
« »

Comment: