Calendar

Kooxda Xiriirka Caalamiga Arrimaha Soomaaliya oo cabaareeyay weerarkii Ururka Shabaab ku qaaday Gobalada Geedo iyo Jubadda Hoose.

War saxaafadeed Kooxda ICG ka soo saartay shir labo maalmood ay ku yeesheen magaalada Kobanheegan ayaa waxa ay ku cambaareeyeen dagaalo Al-Shabaab ay ku qaadeen magaalooyinka Dhoobleey iyo Garbahaareey.

 

Kooxda Xiriirka Caalamiga Arrimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ururka Shabab iyo Kooxaha dagaalada wada in ay joojiyaan dagaalada kuna biiraan ciidamada dowlada ” Waaan ka naxnay in nafaf lagu waayo dagaalka ayaa lagu yiri war saxaafadeedka” 

Sidoo kale shirkii ICG oo ay ka qayb galeen 28-wadan ayaa waxa lagu amaanay heshiiskii loo bixiyay Kampala Accord  madaxda dowladda 9-kii  June ay ku yeesheen dalka Uganda.,waxa kaloo ay ICG ay soo dhaweeyeen shirkii wada tashiga ee lagu qabtay dhawaantan magaalada muqdisho kaa oo ay ka qayb galeen Dowladda KMG ah, Punland, Galmudug iyo Ahlu Suna Waljmaca.

 

ICG ayaa soo dhaweeyay horumarka laga gaaray xagga amaaka dalka Soomaaliya ka dib markii bishii Agust magaalada muqdisho ay ka baxeen ururka Al-Shabaab oo dagaalo xoogan ku hayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. 

Shirka Waxa dhinaca dowladda uga qayb galay Afhayeenka Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waxa kaloo fadhiyay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM Agusyine Mahiga iyo diplomaasiyiin kale

Ugu dambeentii war saxaafadeedka ay soo saareen Kooxda Xiriirka Caalimiga ICG waxa loogu mahad celiyay dowladda Denmark oo marti galisay shirka 20-aad ee koxda, iyadoo lagu soo dhaweeyay dowladda  Djibouti’ oo sheegtay in ay qaban doonto shirka kale ee soo socda kaa oo dhacaya January 2012.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: